MIDAWGA MUSHARAXIINTA OO DIIDAY INAY LA KULMAAN FARMAJO IYO XAALKA OO KU XUN.
Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta. Farmajo ayaa horey u codsaday inuu la kulmi midawga mucaaridka si uu uga baxsado culaysyada diblomaasiyadeed ee beesha caalamku saartay iyo mudaharaadyada kaga imanaya dadka shacabka taasi oo lagaga soo horjeedo mudo kororsiga aan sharciga ahayn ee Farmajo.
Ilo ku dhow dhow shirka ka dhacay guriga Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya inuu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sano oo wixii ay kala soo kulmeen Farmaajo ka sheegaan shirka maalinta Isniinta.
Si kastaba ha noqotee Farmajo ayaa wajahaya culays siyaasadeed iyadoo beesha caalamku markale ku qasabtay inuu la kulmo midawga musharaxiinta isla markaana uu ka noqdo mudo krodhinta aan sharciga ahay. Waxa sidoo kale ii kordhaya culayska kaga imanaya shacabka Somaliyeed oo si cad uga soo horjeeda mudo kororsiga barlamanku sameeyeen. Waxa isa soo taraya mudaharaado iyo xaalado kacsan oo ka jira muqdisho iyadoo uu taliyihii xilka laga qaaday Saadaq John uu uruursaday ciidamo tiro badan taasi oo laga cabsi qabo in uu dagaal ka dhaco magaalada Muqidho.
Farmajo oo u muuqda in xaalku ku xunyahay ayaa markan diidmo kala kulmay
midawga musharaxiinta. Dhanka kale Golaha Midowga Musharixiinta ayaa Cali
Guudlaawe & Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in marka hore ay caddeeyaan
mowqifkooda la xiriira go’aanka Golaha Shacabka ee u codeynta Sharciga Jiheynta
Doorashooyinka oo meesha ka saaraya rajada qabsoomidda Doorasho Dadban oo ka
dhalatay heshiiskii 17-ka September 2020.
Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa jawaab laga sugayaa ilaa Isniinta berri ah 19-ka April 2021 haddii ay ka soo horjeedaan qorshaha ka yimid Villa Soomaaliya ee uu ansixiyay Golaha Shacabka balse waayay taageero badan. Intaas waxa dheer in qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedadu la filayo inay taageerada kala laabtaan.

Comments
Post a Comment