MUDAHARAAD LAGAGA SOO HORJEECO MUDO KORDHINTA FARMAJO AYAA KA XAAFADA SHIRKULE OO UU DEGANYAHAY TALIYE SAADAQ JOHN
Mudaharaadayaal taageersan taliyihi uu xilka ka qaaday Farmajo isla markaana ka soo horjeeda mudo kordhinta loo sameeyay Farmajo ayaa isagu soo baxay xaafada Shirkule. Mudaharaadakan oo ahaay mid balaaran ayaa lagaga soo horjeeday kalitalisnimada Farmajo waxaana loogu baaqay inuu xilka iskaga baneeyo.
Taniyo markii barlamanka Somalia mudo laba sano ah u kordhiyeen mudo xileedka madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo waxa soo baxayay culayso caalami ah iyo kuwo maxali ah. Beesha caalamku waxay aad uga xumaatay mudo kordhinta sharci darada ah ee baarlamku sameeyeen, waxaanay soo saareen baaqyo caalami ka dhan ah mudo kordhintaas. Beesha caalamku waxay cadeeyeen inaysan taageeri doonin xukuumada mudada loo kordhiyay.
Dhanka kale shacabka somaliyeed ayaa ka hor yimi mudo kordhintaas. Waxa sido kale arintaasi ka hor yimi taliyihii booliska gobolka Banadir Saadaq Jon oo hada ciidamo ku heeysta Muqdisho, taasi oo sii kordhisay walaaca laga qabo amaanka iyo xasiloonada magaalada muqdisho ee caasimada. Dawlada wkahtigeedii dhamaaday waxay magaalada ku daadisay ciidamno kala duwan si u caburiso dadka inay mudaharaadaan.
Xalay waxa dadwaynaha degan xaafadaha Shirkule isugu soo baxeen mudaharaad balaaran oo ay kaga soo horjeedaan mudo kordhinta loo sameeyay Farmajo. Shacabku iyagoo taayiro gubayay ayay isugu soo baxeen xaafada uu deganyahay Saadaq jon taliyihii hore ee Booliska Somaliya iyagoo ku dhawaaqaya “doonimayno Farmajo, doonimayno kalitaliye”. Saadaq jon ayaa degay xaafada Shiirkule ka dib markii madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday sheegay inuu ka qaaday darajadii ciidamada iyo xilkii uu hayay.
Dhanka kale madaxda mucaaridka, shacabka, iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha Saadaq Jon ayaa gaadhay xaafada uu deganayahay iyaga oo ku baaqay in ay garab siinayaan taliyahan isla markaana aanay ogolayn mudo kordhinta sharci darada ah ee loo sameeyay Farmajo. Xildhibaanada oo ka tirsan aqalka baarlamanka ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabooyin ka dhan ah madaxweynaha wakhtigiisii dhamaday isla markaana dalka laga badbaadin doono kalitalisnimada Farmajo
Comments
Post a Comment