QARAMADA MIDOOBAY OO DAWLADA SOMALIA UGU BAAQDAY INAY DOORASHO DEGDEG AH QABATO.

 


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah oo albaabada u xirnaa ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan  khilaafka arimaha doorashooyinka.  Golaha amaanku waxa uu ugu baaqay madaxda maamul goboleedada iyo dawlada Federaalka ah inay xal waara ka gaadhaan khilaafka xiligan taagan isla markaana doorasho si degdeg ah loo qabto.

War saxaafadeed ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in laga dhagaystay ergeyga gaarka ah ee Q.M. u fadhiya Soomaaliya Amb James Swan in ay muhiim tahay in doorasho loo dhanyahay ka dhacdo Soomaaliya waliba “sida ugu dhakhsaha badan”. Baaqan waxa lagu sheegay in danta Somalia iyo nabadgalyada Somalia ku jirto doorasho wakhti kooban lagu qabto.

Golaha amaanka waxa uu ku taliyay in la fuliyo heshiiskii la gaaray 17 September taasi oo saldhig u ahaa doorasho lagu wada qanacsanyahay.  Baaqanina waa  waa baaqii labaad ee bishaan ay soo gudbiso hay’ada ugu awooda badan Q.M. ee ku aadan wax ka qabashada khilaafka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.

12-kii Maarso, goluhu wuxuu ku booriyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada “in ay qabtaan doorashooyin lagu wada qanacsanyahay, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhan yahay” iyadoo la raacayo heshiiskii Sebtember “dib u dhac la’aan.”

Goluhu wuxuu Arbacadii “ku celiyey sida uu ugu xunyahay weerarada argagixiso ee ay geysanayaan Al-Shabaab waxayna xaqiijiyeen in ay taageerayaan madaxbanaanida qaranka, midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.”

Waxa uu yiri goluhu wuxuu aad u soo dhaweynayaa dadaalka Swan “isku soo dhaweynta xisbiyada iyo in lagu dhaqaaqo doorashooyinka sida ugu dhaqsaha badan, laakiin aan dhib gaysan.”

Laga soo bilaabo 8 Febrayo waxa soo baxayay baaqyo caalami ah oo ay soo saarayeen madaxda beesha caalamka iyo safiirada Somalia u fadhiya wadamadaas. Waxa cadaadis lagu saaray dawlada inay la timaado xal waara isla markaana xukuumada hada talada haysaa qabato doorasho aan wakhtigeeda ku qabsoonta.

Sidoo kale golaha ammaanka ayaa isla qaatay bayaan ay soo diyaarisay UK oo walaac looga muujiyey xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya. Waxaanay si gaar ah uga walaacsanyahay xildhibaanada laga mabnuucay golaha shacabka. 15-ka xubnood ee golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho wadar ogol ah, si looga baaqsado khilaaf hor leh.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?