SHACABKA SOMALIYEED UMA BAAHNA MADAXWEYNE DOORASHADA BOOBAYA OO QALALASE DALKA GALINAAYO
Shacabka Somalilyed waa ka daaleen dagaal iyo qalalaase waxaanay u baahanyihiin in doorasho la qabto si loo dhawro nabada iyo xasiloonida. Si taas loo gaaro shacabka Somaliyeed waxay taageerayaan in wada hadalada la sii wado si xal loo gaaro. Xukuumada xiligaan talada haysaa waxay ku fashilantay inayla timaado qorshe la isugu soo dhawaanayo si loo dhameeyo arimaha khilaafku ka taaganyahay iyadoo doonayso inay hesho mudo kordhin aan sharci ahayn.
Xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo waxay khatar ku tahay amaanka bulshada Somaliyeed. Farmajo iyo Fahad Yasin waxey doonayaan inay awooda ciidanka u adeegsadaan shacabka Somaliyeed iyo madaxda mucaaridka. Horey 19 Febraayo waxa dhacday in ciidanka si xoog ah u xabad ugu kala eryeen madaxda mucaarida iyo shacab si nabad ah u mudaharaadayay. Taasi waxey muujinaysaa in awoodii ciidanka uu si khadan u isticmaalayo Madaxweynaha wakhtgiisii dhamaaday.
Shacabka Somaliyeed waxey rabaan dawladnimo basle ma rabaan boob siyaasadeed iyo in wadanka markale dib loo celiyo. Dawladnimada Somalia waxay u baahantahay tanaasul iyo in xal laga gaaro arimaha khilaafku ka taaganyahay, balse dawlada wakhtigeedii dhamaaday taasi way ku guuldaraysatay.
Beesha caalamku iyadoo tixgalinaysaa tabitaanka shacabka Somaliyeed waxay soo saartay baaqyo isdaba joog ah oo ay ku dalbanayaan in xal waara laga gaaro muranka hada taagan. Waxay ka digeen in xukuumadu si xoog ah u fushato mudo kordhin aan loo baahnayn, taasi oo khatar ku ah nabadgalyada iyo habsami u socodka Somalia. Dhamaan wakiilada beesha caalamku waxay isku raacsanyihin in xal waara la gaaro, waxaanay ka digayaan mudo kordhin.
Dhinaca kale midawga musharaxiinta Somaliya ayaa sheegay inay Farmajo u aqoonsanyihiin hogaamiye Kooxeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dalka aysan ka jirin wax sharciyad ah xilligaan, Farmaajana uu la mid yahay hoggaamiye kooxeed fadhiya Villa Somalia .
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ay Farmaajo ka ciidan badnaayeen, islamarkaana ay ka talin jireen qeybo badan oo dalka kamid ah sidaas oo ay tahay ugu dambeyntii laga adkaay.
Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa Taliyaha ciidamada Booliska General Xijaar uga digay inuu madaxweyne Farmaajo ku taageero qaab qabiil ah taasna ay dalka u horseedi karto qalalaase.

Comments
Post a Comment