Qaar Ka mid ah Somalia Activist oo US iyo beesha Caalamka ka codsaday in la badbaadiyo Demoqraadiyada Somalia.
Qaar ka mid ah somalida u dhaqdhaqaaqda arimaha bulshada iyo kuwa siyaasada ee dalka Maraykanka ayaa isugu soo baxay safaarada Somalia ee dalka Maraykanka iyadoo ka dalbanaya in la badbaadiyo dimoqraadiyada Somaliya, maadaama xiligaan Somaliya ku jirto xaalad siyaasadeed oo aan la saadaalin Karin. Baaqyadani waxey soo baxayaan iyadoo qaar ka mid ah beesha caalamku ka walaacsan yihiin xaalada siyaasadeed ee Somalia isla markaana golaha amaanku ku baaqay in dawladu qabato doorasho aan dib u dhicin waliba si degdega ah.
Isu soo baxan ay Somalidu ku qabatay banaanka hore ee safaarada Soomaaliya ee Washington waxay dawlada Maraykanka kaga codsadeen inay ogaadaan waajibaadka ka saran dalkan oo burbur la ildaran sababo la xiriira kalsooni la’aan ka dhex jirta siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah .
Waxay dalbadeen in Beesha caalamku qayb muhiiim ah ka qaadato sidii Somalia looga saari lahaaa xaaladan adag ee ay xiligaan ku jirto. Dibadbaxayaashu waxay sheegeen in dib dhigista doorashada ee dawladu sababtay keentay kalsooni daro siyaasadeed.
Somalia waxay wajahaysaa jawi siyaasadeed oo adag maadaama oo aanu jirin heshiis laga gaaray khilaafka u dhexeeya dawlada iyo maamul goboleedada ee la xiriira arimaha doorashooyinka. Waxa fashilmay in ka badan 4 shir oo dawlada ku baaqday, waxaana muuqata in xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmaajo wali sii adkaysanayo xukunka dalka iyada oo mudo xileedkeediidhamaaday. Taasi waxay walaac ku abuurtay dadka somaliyeed, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyayaasha arimaha Somalia
Cali Chengal oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xaalada dalku aysan aheyn wax wanaagsan, cabsina ay sii kordheyso maalin kadib markii mid kale oo ka mid ah dib u gurashada dadaalada la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan markii Mareykanku ka tagay oo uu ciidamadiisa kala baxay dhulka Soomaalida, isagoo muujiyay.
Rajo wanaagsan oo uu ka qabo maamulka cusub ee Mareykanka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biden si uu arrimaha ugu soo celiyo sidii caadiga ahayd iyo baahida loo qabo in laga hortago Al-Shabaab ku xiran Al-Qaacida ee waqooyi bari dalka.
https://aijesnews.com/en/world/15378-somali-activists-demonstrate-in-washington-calling-for-the-united-states-to-save-democracy-in-their-country.html
Qaska siyaasadeed ee xiligaan waxa sababay dawlada oo aan xil iska saarin inay doorasho qabato intii aanu dhamaan mudo xileedkeeda. Taasi waxay keentay in dawlada wakhtigeedii sharciga ahaa dhamaado, hogaamiyeyaasha mucaaridkuna ay aqoonsiga kala laabteen madaxweyne Farmajo wixii ka danbeeyay 8 Febrayo.
Si kastaba ha noqotee beesha caalamku waxay soo jeedisay in xukuumadu fuliso heshiiskii la galay September sanadkii hore si loo gaadho doorasho lagu wada kalsoonyahay. Waxa kale oo baaqyo kala duwan soo saaray shacabka somaliyeed iyo aqoonyahanka. Markan muwaadiiniinta somaliyeed waxey dalbanayaan in Maryakanka iyo beesha caalamku door muhiim ah ka ciyaaraan sidii loo badbaadin lahaa dimoqraadiyada Somalia maadaama oo dalku marayo isgoys khatar ah.
Comments
Post a Comment