URURKA MIDAWGA AFRICA OO CAMBAAREEYEY MUDO KORDHINTA LOO SAMEEYAY XUKUUMADA FARMAAJO.

 


Ururka midawga laantiisa golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa cambaareeyey go’aankii uu Golaha Shacabka Soomaaliya qaaday 12-kii April, 2021 ee uu muddo laba sano ah ugu korhiyey muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka. Waxay ku tilmaameen mudo kordhin keeni karta qas siyaasadeed iyo in laga leexdo wadadii dimoqraadiyada.

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu dib u dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya, islamarkaana uu waxyeeleynayo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo hanaankiii lagama maarkmaanka ahaa ee dimqoraadiyadda iyo dastuurka.

Golaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey saameynta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku yeelan karto nidaamka federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo sii wadista dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacdo, daah-furan oo la isku haleyn karo. 

Waxa uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ahmiyad siiyaan danaha qaranka, ayna deg deg dib ugu billaabaan wada-hadallo saldhig looga dhigayo heshiiskii September 17, iyo soo-jeedintii guddiga farsamo ee Baydhaba ku kulmay bishii Febraayo.

Golaha ayaa ka codsaday Amisom inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.Waxa uu sidoo kale ka codsaday guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu deg deg u magacaabo ergey, oo uu u diro Soomaaliya, si uu dhinacyada Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadda ugala shaqeeyo inay heshiis gaaraan, dibna warbixin ugu soo celiyo Golaha afar toddobaad gudahood.

Dhinaca kale Xubnaha Golaha Ammaanka QM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si qoto dheer uga walaacsan yihiin is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ku aadan hannaanka doorashooyinka. Golahu waxa uu taageero u muujiyay go’aanka ururka Midawga Africa waxaanay sheegeen in loo baahanyahay in wadahadalada la sii wado si xal waara la gaadho.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho in si guul leh loo fuliyo. Waxay xuseen in heshiiska 17-ka September uu yahay aas-aaska kaliya ee ay taageereen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayanaka.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?