Wakiilada beesha caalamka, QM, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika oo qoraal wadajir soo saaray

 


Wakiilada beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray xaalada Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay. Wakiiladu waxay si wada jir ah qoraal uga soo saareen xaalada siyaasadeed ee Somalia ee xiligan.

Wada hadal qadka muuqaalka foggaan aragga ay yeesheen Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Madaxa Arrimaha siyaasadda, Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Bankole Adeoye, Agaasimaha Afrika  ee Midowga Yurub Amb. Rita Laranjinha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda iyo nabada Rosemary DiCarlo ayaa ka soo saareen war murtiyeed wada jir ah.

Waxaa ay ku celiyeen inay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay tanaasul ka muujiyaan arrimaha taagan iyo in aan la qaadin tallaabo dib u dhigi karta xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka digeen muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.

Waxaa kaloo ay hoosta ka xariiqeen heshiiskii doorashada ee 17 September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo, iyagoo ugu baaqay Madaxda inay dib u eegis ku sameeyaan ansixin ku sameeyaan heshiiskaas, iyadoo loo marayo isu tanaasul.

“Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore,” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD. 

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay danta qaranka ka hor-mariyaan midda shakhsi, ayna dib ugu soo laabtaan wada-hadallada, si ay u raadiyaan is-tanaasul ku aadan arrimaha la isku hayo, una xaqiijiyaan inaan marnaba la qaadin ficillo dhaawici kara xasilloonida Soomaaliya. 

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sii wadaan horumarkii laga sameeyey dhisidda dowladnimada, iyo siyaasadaha loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo si nabdoon xukun isugu wareejinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa ugu dambeyn sheegay in si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?