Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo xiray dacwadii Cabdirashiid Janan iyo eedo loo jeediyay.

 


Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan). Dacwad Wasiir janan ee xiray ayaa ku soo beegantay xili dhaliilo culus loo soo jeediyay dawlada wakhtigeedii dhamaaday maadaama oo Cabdirashid Janan ku eedaysnaa xadgudubyo ka dhan ah bini aadaminada. Janan waxa lagu soo oogay danbiyo ah xasuuq iyo dil uu ka gaystay gobolka Gedo.

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo heshiis la gashay Cabdirashiid Janan iyagoo sheegay in soo dhaweeyeen isaga iyo ciidamo badan oo uu gacanta dawlada soo galiyay. C/rashiid Janan ayaa loo heystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kaasoo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay.

Dhanka kale waxa jiray baaqyo ka imanayay beesha caalamka oo dalbanayay in Mr. Janan cadaalada la horkeeno maadaama oo dawlada Somalia hore u soo eedaysay. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) oo horey uga baxsaday xabsi guri uu ugu jiray dowlada ayaa dhowaan heshiis la galay DF oo muddo ay iskaga soo horjeedeen degmada Belad-xaawo, waxaana uu haatan ku sugan yahay Muqdisho.

Hore waxa dawladda Somalia u xirtay Mukhtar Robow oo ahaa xubin ka tirsan Alshabab balse dawlada isku soo dhiibay ilaa uu isku sharaxay madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed, balse dawlada ayaa xirtay. Cafisk Mr. Janan iyo xadhiga Roobow waxay muran ka dhaliyeen bulshada Somalida dhexdeeda waxaana lagu macneeyay in Cabdirashiid Janan qabyaalad darteed loo cafiyay oo ay madaxweynaha isku qabiil yihiin balse Roobow la xiray.

Dhinaca kale Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qoraal xalay warbaahinta lagu shaaciyay inay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ay xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan), isla markaana ay Maxkamada gobolka Banaadir aqbashay in gal dacwadeedka Janan la xiray, waxaanu ku tilmaamay mid sharci daro ah.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?