Xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo oo diiday qodobo ay soo jeediyeen Puntiland iyo Jubaland.

 


Wararka laga helay oMadaxtooyada Soomaaliya  ayaa sheegaya in xukuumad wakhtigeedii dhamaaday ay diiday in shuruud lagu xiro shirka maalmihii u dambeeyay ka socday Afisyooni, kaasi oo maalintii Axadda hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu shirkaas dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah la gaarin.

Madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday iyo madaxda Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah ayaa isku haya qoddobo dhowr ah oo  ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta si la iskugu fahmo, inkasta oo uu haddana baaqday.

Qodobada ay soo jeediyeen madaxda labadan maamul waxa ugu muhiimsan yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka. Qodobadani waxay cunaha u dhaafi waayeen xukuumada wakhtigeedii dhamaaday

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa diiday in xiligan “wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen,” si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay, sida uu sheegay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey waxa uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari-waa.

Dhinaca kale wasiirka warfaafina xukuumada dhamaaday  Mr. Dube  oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Jubaland iyo Puntiland ay diidanyihiin doorasho la qabto. Arintan waxay dawladu ku qarinaysaa  ka dib markii ay diiday dhamaan soo jeedintii ay labadan madaxweyne soo jeediyeen.

Go’aanka Villa Somalia iyo shuruudaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa sii dheereyn kara is-mari-waaga dhinacyada is-haya, xili ay beesha caalamka muddo ku dhow bil magaalada Muqdisho ku hayso madaxda Puntland iyo Jubaland oo ayagu diidan hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Si kastaba ha noqotee markan waxa muuqata in xukuumada wakhtigeedii dhamaaday aanay doonayn in horey loo socdo iyadoo diidan in ajandaha la furo isla markaana la dhegaysto firkirnka madaxda maamul goboleedada Puntiland iyio Jubaland oo iyagu caqabad siyaasadeed kua h madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Farmajo.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?